TACSI IYO TAARIIKH-REEB: GEERIDA AMB. CABDINUUR YUUSUF DABAQE
TACSI IYO TAARIIKH-REEB: GEERIDA AMB. CABDINUUR YUUSUF DABAQE
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay maalin murugo iyo tiiraanyo reebtay, magaalada Ottawa ee dalka Canada ku geeriyooday Allah ha u naxariistee Adeer Ambassador Cabdinuur Yuusuf Dabaqe, oo ka mid ahaa haldooradii ugu miisaanka cuslaa diblomaasiyadda, aqoonta iyo adeegga qaranka Soomaaliyeed.
Marxuumku wuxuu ahaa shaqsi taariikh fac weyn ku leh dhismaha dowladnimada iyo sumcadda caalamiga ah ee Soomaaliya, isaga oo dalkiisa ugu adeegay jagooyin kala duwan oo xusuus iyo raad waara ka tegay:
Halgamaa Diblomaasiyeed: Wuxuu ahaa safiirkii ugu horreeyey ee furay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Canada sannadkii 1979-kii, tallaabadaas oo astaan u noqotay xiriir diblomaasiyadeed oo cusub iyo waji sharaf leh oo Soomaaliya ku yeelato caalamka.
Hormuud Waxbarasho: Intii u dhaxeysay 1963–1969, wuxuu ahaa Agaasimihii ugu horreeyey ee Qorshaynta Waxbarashada Soomaaliya, isaga oo door muuqda ka qaatay dejinta istaraatiijiyaddii waxbarasho ee qaranka.
Wakiil Caalami ah: Sanadihii 70-meeyadii, wuxuu hoggaaminayey mashaariicda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa la xiriira cilmi-baarista iyo macdanta, taasoo muujinaysa kalsoonidii caalamku ku qabay aqoontiisa iyo hoggaamintiisa.
Sidoo kale, Marxuumku wuxuu Safiir ka soo noqday Qaramada Midoobay, Jamhuuriyadda Senegal, iyo dalal badan oo Galbeedka Afrika ah, oo ay ka mid yihiin Gabon, Togo, Mauritania iyo Ghana.
Lataliye Horumarineed: Wuxuu ahaa lataliye khibrad dheer u leh mashaariicda beeraha, isaga oo si dhow ula shaqeeyey Wasiirkii hore ee Beeraha Canada, Eugene Whelan, taasoo mar kale caddeyneysa doorkiisii caalamiyeed iyo aqoontii uu u lahaa horumarinta nolol-maalmeedka bulshada.
Geerida Ambassador Cabdinuur Yuusuf Dabaqe waa khasaare weyn oo ku yimid qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan jiilasha aqoonta, diblomaasiyadda iyo adeegga dawladeed.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Ilaahay ha u naxariisto, Jannatul Firdowsa ha ku abaalmariyo, samir iyo iimaan na ha ka siiyo dhammaan ehelkiisii iyo asxaabtiisii. Aamiin